Go to content Go to menu
 


Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose oo Hay’daha Samafalka Ugu Baaqey Inay u Gurmadaan Dadka Ku Nool Gobolkaasi.

 
 

C/qaadir Sheekh Maxamednuur oo ahaa Guddoomiyihii Gobolka Shabeellada Hoose ee Maamulka Dowlladda kumeelgaarka oo Shir Jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho,ayaa hay’adaha Samafalka ugu baaqey inay gurmad degdeg ah la gaaraan dadka ku waxyeeloobey Fatahaadda Webiga Shabeelle iyo barakaceyaasha dagaallada Magaalada Muqdisho ka cararey ee ku nool Gobolkaasi.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale xusey in dadka barakaceyaasha ee ku nool Gobolkaasi ay haysato dhibaato dhinaca nolosha ah ka dib markii ay waayeen kaalmooyinkii ay siin jireen hay’adaha Samafalka,wuxuna yiri dadkaas waxa la soo deristey dhibaato adag oo dhinaca Hoy la’aan,Caafimaadka,Waxbarashada,Biyaha iyo nolosha wuxuuna ku baaqey in dadkaas sida ugu macquulsan lala soo gaaro wax ay ku noolaadaan.

Cabdiqaadir Sheekh Maxamednuur aya sheegey in iminka ay tahay xilli Roobaad islamarkaasna ay dadku ku nool yihiin Guryo ka sameysan Cooshado,kuwaas oo ay ka dhammaadeen Bacihii Roobka ka celin jirey,Sidaas darteed wuxuu hay’adaha Samafalka oo weli halkaas ka howlgalo ay sammeeyaan gurmad degdeg ah,wuxuuna baaq gaar ah u direy hay’adda Laanqeerta Cas (ICRC) oo weli fursad u haysata inay ka howlgasho meelaha ay Maamulaan kooxaha Islaamiyiinta ah,sidoo kale wuxuu Ganacsatada iyo Jaalliyadaha Soomaaliyeed ugu baaqey inay iyaguna dhinacooda u soo gurmadaan dadka ku dhibaateysan Xeryaha Qaxootiga iyo kuwa kale oo ay saameeyeen Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in xiligan fatahaad uu sameeyay Wabiga Shabelle ay saaamayn ku yeelatay dadka Xoolo dhaqatada ah iyo Beeralayda ee ku dhaqan Gobolkaasi,isagoo mar kale baaq u jeediyay ha’adaha Samafalka kaasi oo ku aadan in ay wax ka qabtaan fatahaadda uu sameenayo Wabiga Shabelle oo uu sheegay in dhibaato adag ay ku noqon karto dadka Beeralayda iyo kuwa Xoolo dhaqatada ah ee halkaasi ku nool.

Maamulka Gobolka Shabeellada Hoose ee Dowlladda kumeelgaarka ayaa wuxuu ka mid yahay Maamuladii laga barakiciyey Gobollada ay Maamulaan,kuwaas oo ay Xukunkii kala Wareegeen ururrada ka horjeeda Dowlladda kumeelgaarka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeyaha.

Hadalka Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Hoose ayaa ku soo beegmaya xilli dadka Barakaceyaasha dagaallada Magaalada Muqdisho ay ku dhibaateysan yihiin inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,kuwaas oo dhibaatada ugu badan ee haysata ay tahay Hoy la’aan iyo Raashiin la’aan,halka Beeraleyda Gobolkana la dhibaateysan yihiin Fatahaadda Webiga Shabeelle.

qore c/casiis c/lahi

qoryoley50@hotmail.com

 

 

Comments

Add comment

Overview of comments

There have not been any comments added yet.